Wasaaradda Amniga oo ka digtay Gawaari qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ka sheegtay in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari qaraxyo sida kuwaas oo loo ekeysiiyay Gawaarida mid ka mid ah Shirkadaha ka howlgalla Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada ee Maanta oo uu akhrinayay siihayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas ayaa lagu sheegay in muqdisho ay ku jiraan Gawaari loo ekeysiiyay kuwa Shirkadda Basaska Sahal kuwaas oo qaraxyo sida.

Waxaa Wasaaradu ay sheegtay in Gawaaridaas ay iminka ku dabajirto Wasaaradda Amniga Soomaaliya isla markaana laga feejigan yahay.

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay ka sheegto Shirka Golaha Wasiirada kaas oo ah in ay Muqdisho ku jiraan Gawaari qaraxyo ay ku raran yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media