Waxaa goor dhow qarax xoogan uu ka dhacay wadadada Maka-almukrama, gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaaliya waxaa halkaas ku qarxay gaari yar.
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay maqaayada Itaaliyaan oo ku taala wadada Shaqaalaha, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad badan.
Goojoogyaal ayaa Radio Dalsan u sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaare isugu jira  dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la’ogaan inta uu gaarsiisanyahay.
Maqaayada waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen dad badan oo shaax ka cabiyey, kuwaasi oo qaraxu haleelay, ilaa iyo hadana lama oga cida lala maagana qaraxaas.