Wararka aan ka helayno Magaalada Jowhar ee Caasimadda Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhaweyd lagu dilay mas’uul ka tirsan maamul Goboleedka Hirshabeelle.
Wararku waxaa ay sheegayaan in bartamaha magaalada Jowhar lagu dilay Wasiiru dowlihii Diinta iyo Awqaafta Maamulka HirShabeelle Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, marxuumka ayaa la sheegay in ay dileen koox hubeysan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Dabley hubeysan ay dilka fuliyeen, kuwaas oo falka ka dib goobta isaga baxsaday.
Ciidan ka tirsan ku ammaanka ayaa gaaray goobta wax ka dheceen, waxaana ya sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dableydii falka dilka ah fuliyay, balse ma jirto xcid loo soo qabtay falkaas sida ay wararku sheegayaan.
Ma jirto cid sheegatay dilka loo gaystay Wasiiru-dowlihii Diinta iyo Awqaafta Maamulka HirShabeelle, Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, balse falalka noocaan ah waxaa inta badan fuliya dagaalamayaasha Al-shabaab, inkastooo aysan sheegen dilka Caawa ka dhacay jowhar.