• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maxaa looga hadlay ku dhexmaray MW Xasan Sheekh iyo MW Tanzania?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 27, 2024
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
Maxaa looga hadlay ku dhexmaray MW Xasan Sheekh iyo MW Tanzania?
7
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa Maanta wadahadal ku yeeshay Madaxtooyada magaalada Dar Es Salaam.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka labada dal iyo la iska kaashado dhinacyo badan oo ka tarjumaayo danaha labada dhinac.

Dhinacyada ay labada dal isku af garteen inay ka wada shaqeeyaan ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga iyo difaaca, arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, dalxiiska iyo dhammaan arrimaha kale ee labada dal ay wadaagi karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhoweynta wanaagsan ee ee dowladda Tanzania ay
u fidisay isaga iyo wafdigiisa, iyo weliba sida ay Dowladda Tanzania u garab istaagtey qadiyadda dhowrista madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku kacdey Dowladda Ethiopia oo heshiis sharci darro ah la gashey maamulka gobalada Waqooyi ee Soomaaliya(Somaliland).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mahadceliyay doorkii ay Tanzania ka qaadatay in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC, isagoo dhanka kalena xusay in Tanzania ay tusaale lagu dayan karo u tahay waddamada Afrika intooda badan marka loo eego dhinacyada xasiloonida siyaasadda, wadajirka ummadeed iyo amniga. Waxaana uu soo dhoweeyay is-afgaradka labada waddan ee Iskaashiga iyo xoojinta xiriirkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania marwo Samia Suluhu Hassan ayaa dhankeeda ka mahadcelisay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ka qeybgalkiisa xuskii sannadguuradii 60aad ee Maalinta Midowga ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Madaxweyne Samia ayaa xustey isla markaana soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey ee dhinaca amniga, diblomaasiyadda iyo adeegyada kale tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay bishii May 2022-ka.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ku faraxsan tahay in bog cusub u bilowdo xiriirka labada dal, kaas oo ku saleysan iskaashi, wax wada qabsi iyo is ixtiraam.
Waxaa sidoo kale ay Madaxweyne Samia aqbashey martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay soo booqato Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah kadib, ayaa waxaa labada Madaxweyne ay si wadajir ah u guddoomiyeen wadahadal rasmi ah oo labada dal ay yeesheen oo looga hadley sidii loo fulin lahaa qodobada ay ka wadahadleen ee iskaashiga labada dal,

Kulankaasi waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Macallin, Wasiirka Warfaafinta Mudane Da’uud Aweys Jaama, Danjiraha Soomaaliya u fadhida Tanzania Zahra Cli Xasan iyo saraakiil kale.
Dhanka Tanzania waxaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane January Yusuf Makamba, Wasiirka Caafimaadka Dr Ummy Mwalimu, Wasiirka Qorsheynta Dr Kitila Mkumbo iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale maanta booqday Hay’adda Kaydinta Dawoyinka Tanzania ee MSD iyo Isbitalka Muhimbili halkaas oo warbixin ku saabsan qaabka ay labada dal uga wadashaqeyn karaan iskaashiga kobcinta adeegyada caafimaadka kaga dhegeystay Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania Dr Ummy Mwalimu.

Previous Post

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo ka qeyb galay shir looga hadlay Arrinta Falastiin

Next Post

Labaatameeyo Askari oo ku geeriyootay Qaraxyo gilgilay Bakhaar Hubka lagu kaydiyo

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

May 14, 2025
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

May 14, 2025
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.

May 14, 2025
Next Post
Labaatameeyo Askari oo ku geeriyootay Qaraxyo gilgilay Bakhaar Hubka lagu kaydiyo

Labaatameeyo Askari oo ku geeriyootay Qaraxyo gilgilay Bakhaar Hubka lagu kaydiyo

Putin and Trump Absent as Russia-Ukraine Peace Talks Begin in Istanbul

Putin and Trump Absent as Russia-Ukraine Peace Talks Begin in Istanbul

by Liban
May 15, 2025
0

Istanbul, Turkey – Russian President Vladimir Putin and U.S. President Donald Trump will not attend the peace talks between Russia...

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya...

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah...

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu...

Putin and Trump Absent as Russia-Ukraine Peace Talks Begin in Istanbul
English News

Putin and Trump Absent as Russia-Ukraine Peace Talks Begin in Istanbul

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

"Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
English News

Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Putin and Trump Absent as Russia-Ukraine Peace Talks Begin in Istanbul
  • “Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
  • “Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
  • Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00