Hay’adda Warbaahinta ee Xarakadda Alshabaab ayaa soo baandhigay Muuqaal Video oo uu ka muuqdo Askari Kenyan oo bishii Janaayo ee sannadkan lagu qabtay dagaal ka dhacay Deegaanka Cali-Cadde ee Gobalka Gedo.
Askarigaasi oo lagu magacaabo Leonard Maengji Kyu ayaa ah Dhakhtar ka tirsanaa Guutadda 9-aad ee Ciiddanka hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya.
Muuqaalka Video-ga ayaa lagu xusay in Askarigaasi oo 40-jir aah uu Ciiddanka Kenya ku biiray sannadkii 1997-kii, waxayna Dagaalamayaasha Alshabaab k uqabteen dagaal bishii Janaayo 15-dii ka dhacay Deegaanka Ceel-cadde.
“Waxaan nahay Askar ka soo gudbay Xuduudka Somalia annagoo raacayno Amarka, haatan waxaan nahay Maxaabiis Dagaal, waxaad leedahay Awood buuxda, waxaan kaa codsanaa Adiga iyo Hoggaamiyayaasheena inay ka shaqeysaan sii-daynteenna” ayuu yiri Askariga Kenyanka ee ay Alshabaab soo bandhigeen.
Askariga Kenyanka ee Leonard Maengji Kyu waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta in laga shaqeeyo sidii Ciiddanka Kenya looga wada saari lahaa gudaha Somalia, wuxuuna carrbka ku adkeeyey inay tahay Fursaddii ugu dambeysay ee lagu sii dayn lahaa.
Sidoo kale, Leonard Maengji Kyu waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Kenya khasaaro xooggan kala kulmeen Dagaalkii ay Alshabaab ku soo qaadeen Askartii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde, laguna dilay in ka badan 100-Askari oo Kenyan ah, halka kuwo kalena maxbuus ahaan loo qabtay.
©Radio Dalsan