Goobaha Ganacsiga Magaalada Laascaanood oo hal arrin u xiran

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta Xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla halkaas ay Maanta xiran yihiin.

Sababta loo xiray Suuqyada ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii Ganacsatada waaweyn ee Laascaanood ay diideen qabashada lacagta Shilling Soomaaliga oo halkaas laga isticmaalo.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka Magaalada ayaa saakay dhigay banaanbax kooban oo ay uga soo horjeedan diidmada lacagta Shilling Soomaaliga, waxaana dadka ay isugu soo baxeen waddooyin ku yaalla halkaas.

Ganacsatada iibisa khudaarta iyo hilibka oo kamid ahaa dadkii dhigaayay banaanbaxa ayaa sheegay in Xarumaha ganacsiga ay xirnaan doonaan ilaa iyo inta wax laga qabanayo arrinta diidmada Lacagta Shillinka.

Waxaa kaloo dadka banaanbaxa dhigaayay ay sheegeen inay dhagaxyo ku tuuryeen doonaan cid kasta oo furta xarun Ganacsi, isla markaana ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto Ganacstada waaweyn ee diidan qabashada lacagta Shilling Soomaaliga.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa siweyn looga dareemay Sicir barar xoogan iyo diidmada Lacagta Shilling Soomaaliga, waxaana halkaas ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday arrintaas

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media