Kadib markii xalay uu shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Go’aankaas ka hor yimid Odayaasha dhaqanka Cadaado.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Cadaado,isla markaana waxaa ay kulnkaas uga soo horjeesteen Go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku dhawaaqay ay ahaa in Dhuusamareeb gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug taallo.
Odayaasha ayaa iska diiday Go’aankaas,waxaana Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ay ku dhaliileen in haatan aysan aheyd in uu Dhuusamareeb shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug uga dhawaaqo,iyagoo xusay in halkaasi ay tahay meesha Galmudug laga dhibaateeyo.
Sidoo kale Odayaasha iyo Waxgaradka Cadaado ayaa waxaa ay sheegeen in aysan ka qeyb geli doonin Shirkaas dadka reer Galmudug ah la isugu yeeray ee ka dhaca Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.