DEG DEG:-Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Garoowe

Magalada Garoowe oo Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Goordhow ka bilaabatay doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka kaa soo ay ku tartamayaan laba musharax.

Kursigaas ayaa waxaa baneeyey Ex-Xildhibaan Dhahar Cali Faarax,waxana ku tartamaya Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.

Goobta doorashada waxaa ku sugan Xubno ka tirsan guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo ay horkaceyso Guddoomiyha Guddiga Xaliimo Yareey iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugan labada musharax iyo ergadii dooran laheyd,iyada oo amniga Wadooyinka soo gala howlka doorashada ay ka socoto si aad ah loo adkeeyay.

Dad badan ayaa qaba in kursiga Maanta loo tartamayo uu yahay mid natiijadiisa lasii og yahay,isla markaana uu ku guuleysan doono Jamaal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor