Wararka naga soo gaaraya Magalada Burco ee deegaannada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax looga soo horjeedo xukunka lagu riday Boqor Buurmadow oo ka mid ah Salaadiinta ugu caansan Soomaaliland.
Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa shalay Boqor Buurmadow ku xukuntay 5 Sano oo Xabsi ah kadib markii lagu eedeeyey in uu ku dhaqaaqay fal wax u dhimaya qaranimada Soomaaliland sida ay Maxkamadu shaacisay.
Qaar ka mid ah xaafadaha bariga magalada Burco ayaa waxaa ka socda dibadbax ay dhigayaan dad u badan dhalinyaro ka xumaaday xariga iyi xukunka Boqor Buurmadow.
Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa gaaray goobta uu banaanbaxa ka socda,iyaga oo iskudayaya in ay kala eryaan dadka banaanbaxa dhigaya.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com