Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta maamulka Soomaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegayay in wasiirku uu heshiis qarsoodi ah la galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Cabdinaasir oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararkaas, waxaana uu sheegay in aysan jirin cid uu heshiis qarsoodi ah uu la galay, isla markaana warkaas la faafiyay uu yahay mid been abuur ah.
Waxaa uu sheegay Wasiir Cabdinaasir in arrintaan ay ka danbeeyaan dad uu ku sheegay qaswadayaal oo doonaya in ay iska hor keenaan shacabka iyo mas’uuliyiinta Soomaliland, waxaana intaas uu ku daray in sawirada baraha bulshada lagu faafiyay ay ahaayeen kuwo been abuur ah oo laga matalay in uu isaga yahay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa uga digay dadka falalkaas ku kacay in ay ka waantoomaan, aysan shacabka iyo mas’uuliyiinta iska hor keenin, waxaana uu shacabka ugu baaqay in aysan aaminin wax waliba oo ay arkaan.
Sawirrada oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa waxaa ku kala qaybsamay bulshada ku dhaqan degaanada maamulka Soomaliland, waxaana xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah bulshada Soomaliland ay si weyn u dhaleeceeyeen Sawirada lagu sheegay in Wasiir ku-xigeenku uu heshiis qarsoodi ah la galay wasaaradda warfaafinta dowladda Ferderaalka Soomaaliya.