Taliyaha Boliska ee magaalladda Kundus, Sheer Cali Kamaal ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Daalibaan 4 jiho ka soo weerareen magaalladda Kundus, ka hor intaysan gudaha u soo gelin.
Taliyahaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in weerarkaasi oo bilowday saqdii dhexe uu weli socdo, isla markaana ay dadaal ugu jireen sidii Daalibaan looga saari lahaa qeybaha ay ka joogaan Kunduz.
Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid waxa uu Bartiisa Twitterka soo dhigay inay dagaal xooggan saakayto kula jarmaadeen magaalladda Kunduz, isla markaana ay dileen tiro ka mid ah Askarii joogtay Deegaanadaasi, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo sheegashadiisa.
Dhinaca kale, weerarka ay Dalaibaan maanta ku galeen magaalladda Kundus ayaa ku soo beegantay hal maalin Shirweyne ballaaran oo Deeq-bixiyayaasha Caalamka ku yeelan doonaan magaalladda Brussels, kaasi oo looga wada hadlayo Xaalladda Ammaanka ee Afganistan.