Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Madaxweyne Waare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Waare ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay Dhisida Galmudug Mideysan.

Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday waxaana looga ka shaqeynta amniga Deegaannada dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Galmudug sida in xal loo wada helo colaad Beeleedyada Soo noq noqday ee ka dhaca Deegaano hoos yimaada Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, waxaana ay isla qaateen muhiimada arrimahaasi ay leeyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare kulanka ay wada qaateen ayaa waxaa uu kusoo dhammaaday is fahan.

Madaxweyne Waare iyo wafdigii uu hogaaminayay ee Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kadib ugu laabtay Magaalada Jowhar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media