Wakaalladaha Wararka Raashiya ayaa sheegtay inay Diyaaradaasi la socdeen 92-qof, mana kala cadda haddii ay ciddi ka badbaaday Shilkaasi.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa TU 154 ayaa ku burburtay Badda Black Sea meel ku dhow Degmadda Sooji ee Koonfurta dalka Raashiya.
Diyaaradda waxaa la socday Ciiddamo, Suxufiyiin iyo Fannaan isugu jira Kooxda Heesaha iyo Qalaama-rogadka Milliteriga Raashiya, kuwaasi oo ku sii jeeday Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Hameymin ee duleedka magaalladda Latakiya ee dalka Syria.
Wakaalladda Wararka ee RIA News Agency ayaa sheegtay in baaritaan hordhac ah muujinayo inay cillad dhinaca Duuliyaha sababtay burburka Diyaaraddaasi oo ay la socdeen 84 qof oo Rakaab ah iyo 8 shaqaalaha Diyaaradda.
©Radio Dalsan