• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(WAR SAXAAFADEED): Guddiga Federalka ee Doorashooyinka oo ku baaqay in xal loo helo Arrinta Somaliland iyo Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Bilan Media by Bilan Media
October 3, 2016
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

 

Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka dadban ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay kaga hadleen goobta lagu dooran doono Xildhibaanada ka soo jeeda Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

War saxaafadeedka  ayaa lagu sheegay inay ka war dhowrayaan Xukuumadda Federalka go’aan ka gaarista goobta ay ka dhaceyso doorashada Xildhibaanadda labadaasi Gobal iyo Hanaanka soo magacaabida doorshada xubnaha Aqalka sare ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Guddiga Doorashadda Heerka Federalka, waxay shaaciyeen inaysan go’aan ka gaarin halka ay ka dhaceyso doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, balse ay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka la wadaageen Aragtidii soo- jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan labadaasi Gobal.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashadda Heerka Federalka waxay walaac ka muujiyeen inuu mar kale dib-u-dhac ku yimaado Jadwalka Doorashadda, maadaama aan weli xal buuxa laga gaarin Arrinta Somaliland iyo Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka:  Iftiimin Goobta Doorashada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe 
Annaga oo xaqiijineyna xilka iyo waajibka GFHDD ee ku xusan qodobka 6aad xeerka lagu dhisay guddiga oo qeexaya “Guddiga GFHDD wuxuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo”, ayaan xoogga saarnay sidii loo hubin lahaa sidii ay dalka si isku mid ah uga hirgali laheyd doorashada dadban isla markaana si isku mar ah u dhacdo. Annaga oo hubineyna in aanu ka hortagno caqabadaha keeni kara dib u dhac iyo habacsanaan ku timmaada qorshaha doorashooyinka dadban ayaan qaadnay talaabada uu na farayo xeerka lagu soo dhisay GFHDD qodobkiisa 8aad oo qeexaysa “In aan MHQ wargalin joogta ah siinno iyo in aan waydiisanno hagid siyaasadeed ama go’aanno siyaasadeed marka loo baahdo si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashadu uu guud ahaan u noqdo mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay”.

Haddaba GFHDD oo ogsoon xaqiiqda ah in tilmaamid la’aanta deegaanka doorasho ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaan qoraal rasmi ah u gudbinay MHQ oo ku taariikheysneyd 5tii bisha Sebtember 2016 oo aanu uga codsanay MHQ:“Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in Madashu Go’aan ka gaarto deegaanka lagu qabanayo doorashadooda ka hor 13 Seb 2016”.

Waxaan sidoo kale qoraalka hoosta uga xariiqnay in haddii go’aan siyaasadeed oo lagu xallinayo arrimaha tiirarka ah oo ay arrinta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu weyn tahay degdeg loo qaadi waayo ay keeneyso dib u dhac iyo habacsanaan ku timaadda jadwalka iyo qorshaha doorashooyinka dadban.

Warmurtiyeedkii MHQ 6-12 Sebteembar 2016 hagid siyaasadeed oo lagu tilmaamayo deegaanka lagu qabanayo doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe nalaguma siin. Hase ahaatee, waxaa warmurtiyeedka ku xusan in Xukuumadda Federaalku go’aan kama dambeys ah ka gaarto arrimaha la xiriira doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

GFHDD asagoo gudanaya xilkiisa iyo waajibaadkiisa ku qeexan xeerka lagu dhisay ee na faraya la shaqaynta odayaasha 135ta ayaa taariikhdu markey aheyd 25/09/16, fududeeynay kulan dhexmaray madax dhaqameedyada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay ka soo qeyb galeen 16 oday oo ka mid ah 17-ka oday dhaqameed ee labada gobol. Wadahadalka madax-dhaqameedyada, waxay isla qaateen aragti qeexaysa inay raalli isugu yihiin in doorashada xildhibaaannada labada gobol ka dhacdo magaalada Muqdisho oo ay u arkaan goob dhexdhexaad ah.

Guddiga GFHDD kadib, markii uu dhagaystay afkaartii odayaasha dhaqanka ee kulankaas joogay waxuu guddigu la wadaagay MHQ iyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Sidaa awgeed guddiga GFHDD wuxuu mar kale caddeynayaa inuusan go’aan ka gaarin goobta doorasho ee gobollada ujeedada ku xusan, balse ay ahayd aragti oday dhaqameedyadu ku cabbireen kulanka aan kor ku soo xusnay.

Iyadoo jadwalka doorashooyinka dadban uu mar kale ciriiri sii galayo, sida uu tilmaamayo warmurtiyeedkii MHQ ee 6-12 September, ka go’aan gaarista arrimaha doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay MHQ u xilsaartay Xukuumadda Federaalka ah. Haddaba si GFHDD u guto xilkiisa iyo waajibkiisa kor ku xusan ee xaqiijinta in doorashooyinku si isku mid ah dalka uga dhacdo, waxaan si degdeg ah Xukuumadda Federaalka uga sugaynaa:

  1. Ka go’aan gaarista goobta ay ka dhacayso doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe;
  2. Hannaanka soo magacaabidda iyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in go’aan ka gaarista la’aanta arrimaha siyaasadeed ee ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Somaliland aan laga gaarin go’aanno lagu xalliyo in ay mar kale sabab u noqon karto habacsanaan iyo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dadban, iyadoo mas’uuliyadeedu yeelan doonin GFHDD.

Ugu dambeyn, wuxuu GFHDD u xaqiijinayaa in talaabooyin wax ku ool ah laga gaaray hirgelinta doorashooyinka dadban, taas oo lagu gaaray dadaalladii sida wadajirka ah ay u qaadeen guddiyada heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed oo kaashanaya DFS, Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, MHQ, iyo saaxiibada beesha Caalamka. waxa soo muuqata gaarista himilada ummadda Soomaaliyeed ee ay ku dooranayaan mas’uuliyiinTa hoggaamin lahaa siyaasadda dalka.
Wuxuu GFHDD uga mahadcelinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kuna ammaanayaa sida ay u garab taagan yihiin guddiyada doorashooyinka dadaallada ay ku hirgelinayaan qorshaha doorashada dadban ee 2016

 

Previous Post

Dagaalamayaasha Daalibaan oo qabsaday magaallo ku taalla Bariga Afganiostan..

Next Post

Madaxweynaha: “ Waxaan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Next Post

Madaxweynaha: “ Waxaan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a strong and swift response to rising tensions in the Gulf, the Federal Government of Somalia...

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Two former Somali presidents, Mohamed Abdullahi Farmaajo and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, have strongly condemned Iran’s missile attack on the...

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday...

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
English News

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
English News

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions
English News

Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
  • Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
  • Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
  • Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00