(DHAGEEYSO):- Guddiga Doorshada Oo Badalay Xarunta Lagu Qabanayo Doorashada.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Gudoomiyaha Guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha ayaa ka hadlay halka saxda ah ee  lagu qabanayo Doorashada la filayo inay dhacdo Maalinta Arbacada ee ina soo aadan isagoo la hadlayey  VOA ayuu kawaramay sababta keentay in laga weeciyo Doorashada Iskuul Buluusiya oo horey loo qorsheeyey inay ka dhacdo Doorashada.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Beyle in labada Xarun ee Iskuul Buluusiya iyo Afisiyooni marki horaba ahaayeen labada Meel oo ucalaameysnaa hadana la’isku raacay in lagu qabto Doorashada Madaxweyna Xarunta Afisiyooni.

Guddiga Doorashada ayaa raaciyey intaasi in Musharaxiinta qaar ay dalbadeen In Doorashada laga weeciyo Xarunta Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho taasina uu Guddig ku raacay.

Go’aanka ayaa yimid markii ay Cabasho ka timid inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dalka kuwaas oo sheegay in aynan kalsooni  ku qabin goobti hore ee  loo qorsheyay oo aheyd Xarunta Tababarka Booliska ee Janaraal kaahiye ama Iskool Booluusiya ee Magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media