Wararka Idaacada Daslsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaano hoostaga Degmada Af-Barwaaqo ee bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegaya in saakay mar kale halkaas uu dib uga qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya Meleeshiyo beeleed hubeysan.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaanka Towfiiq, waxaana lagu soo waramayaa inuu uu yahay dagaalka mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayan hubka noocyadiisa kala duwan.
Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa u dhexeeyay Colaad, iyagoona tan iyo makii uu todobaadkii la soo dhaafay uu dagaalka bilowday aysan jirin cid kala dhexgashay.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro, In kastoo weli aan la xaqiijin inta uu la egyahay, waxaana labada dhinac ay wadaan hub isku uruursi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo Colaadka kasoo cusboonaatay deegaanada hoostaga Af-Barwaaqo, hayeeshee ma jiro tallaabo la qaaday oo ku aadan joojinta Colaada.
Si kastaba Maleeshiyaadka hubeysan ayaa Khamiistii lasoo dhaafay iska dilay in ka badan 15- ruux, halka ay dhaawacmeen tirro intaasi ka badan.