Faah faahin:-Weerar Khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho  iyo dhaawac.

Rag hubeysan ayaa weerarka ku qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso ay ku leeyihiin Shirkaddii hore ee Isgaarsiinta NETCO, waxaana intaas kadib halkaas ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ragii weerarka soo qaaday iyo Ciidanka amniga.

Ugu yaraan Askari oo ka tirsan Ciidanka Boosaaso ayaa goobta ku dhintay, halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac, kaasi oo loo qaaday mid kamid ah Xarumaha Caafimaad eek u yaalla halkaas, waxaana goobta ka baxsaday ragii hubeysnaa.

Intaasi kadib Ciidamada amniga ayaa Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso ka bilaabay howlgalo kala duwan  oo ay ku raadinayan ragii fuliyay weerarkii xalay, hayeeshee kuma aysan guuleysan inay soo qabtaan.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee maamulka Puntland ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana inta badan mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media