Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka dhacdo Munaasabada Caleemo-Saarka Madaxweyne Waare.
Masuuliyiin farabadan oo ka tirsan dolwadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Munaasabada kuwaas oo hadda qaarkood Jowhar tegay halka kuwo kale ay Maalinta Berito ah tegi doonaan.
Ra’iisul Wasare Kheyre yaa ka mid noqon doona Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabada Caleemo-Saarka Madaxweynaha hir-Shabeelle.
Wararka aan Caawa Jowhar ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ammaanka si aad ah loo adkeeyay isla markaana Ciidamada farabadan lagu arkayo Wadooyinka Waaweyn iyo Xarumaha Maamulka ee Magaalada Jowhar.
Dhaq dhaqaaqa Caawa ee Magaalada Jowhar ayaa la yareeyay Hotelada ku yaalla Magaalada ayaa lagu soo waramayaa in ay la ciir ciireyso Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin farabadan oo doonya ka qeyb galka Munaasabada Caleemo-Saarka.