Howlgal Dad lagu soo qab-qabtay oo laga fuliyay gudaha Magaalada Kismaayo

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa howlgal ballaaran oo maalmo socday ka sameeyay gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Howlgalka Ciidamada Nabadsugida ay sameeyeen xaafadaha kala duwan ee Kismaayo ayaa waxaa inta uu socday lagu soo qab-qabtay xubno looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo laamaha amniga ay Xarumahooda ku xireen.

Qoraal kasoo baxay Taliska NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka howlgalka laga fuliyay Magaalada Kismaayo uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga Magaaladaas, isla markaana lagu daba jiro xubno kale oo la tuhmayo, ayna socdaan howlgalo kale.

“Dhawaan waxaan bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen”ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska NISA Jubbaland.

Taliska Hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaa shacabka kunool Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro ee mararka qaarkood halkaas ka dhaca.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor