Hadal-qoraal oo ay soo kala saareen Wasaaraddaha Arrimaha Dibedda ee dalalka Turkiga, Sacuudiga iyo Baxrayn waxay si kulul ugu cambaareeyeen Weerarkii ay Alshabaab la beegsadeen Dhismaha Otto oo Xarun u ah Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee Xukuumadda Federalak Somalia.
Dowladaha Turkiga, Sacuudiga waxay sheegeen inay aad ugu xun yihiin dadkii rayidka ee naftooda ku waayey iyo kuwii ku dhaawacmay Weerarkaasi.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxaa lagu muujiyey inay cambaaraynayaan fal kasta oo wax loogu dhimayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia, waxayna u tacsideeyeen Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkii Alshabaab ka geysteen Dhismaha Otto-otto oo ku dhow Isgoyska Sayidka ee magaalladda Muqdisho.
Turkiga waxay sheegeen inay sii wadi doonaan Is-garab taagooda DFS iyo Shacabka Sppmaaliyeed dagaalka ay kula jiraan Alshabaab iyo sidii Somalia loogu so odabaali lahaa Deganaansho, waa sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale, Hadalka Qoraalka ee ka soo baaxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga waxaa lagu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan weerarkii lala beegsaday Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalladadn Muqdisho.
Sacuudiga waxay kaloo sheegeen inay ka go’an tahay in DFS ka taageeraan La-dagaalanka Alshabaab, waxayna Tacsi u direen qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi.
Dhinaca kale, La-taliyaha dhinaca Siyaasadda ee Guddoomiyaha Barlamaanka Qaaradda Afrika, Mustafa Al-jundi ayaa sheegay inay cambaareynayaan weerarkii shalay ka dhacay Dhismaha Ottro-otto ee magaalladda Muqdisho.
Muftiga dalka Masar, Sheekh Shawki Callam waxa uu isagana so osaaray Qoraal uu ku cambaareeyey Weerarkii ay Alshabaab shalay ku qaadeen Dhismaha Wasaarado ka tirsan kuwwa Xukuumadda Federalka.