Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Hisrhabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Kulanka u dhexeeyay Madaxweyneyaasha laba maamul Goboleed ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday arrimo dhexdooda ka jiray iyo khilaafkii ka dhashay Shirkii Dhuusamareeb3.
Sidoo kale kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo Shirarka wadatashi ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khudbad uu ka jeediyay shir ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Saciid Deni, isagoo tusaalena ugu soo qaatay sida Atlaskii reer Giriigga ee aaminsanaa inuu isagu dhabarka ku sido culeyska caalamka oo dhan.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda dalka.