Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa xalay howlgalo ballaaran waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Howlgalka Ciidamada ayaa waxa bar bar socday diiwaan galin lagu sameynayay Gaadiidka kala duwan ee ka shaqeeya gudaha Magaalada, waxaana gaadiidka raaxada looga fiiqayay miraayadaha madow ee ku xiran.
Taliyaha Booliska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi oo ay wehliyeen Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi, Gudoomiyaha Magaalada Moalim C/raxaaman Geedaqorow iyo Saraakiil sare ayaa ciidamada howlgalka ku jira ku kormeeray, iyagoo ku booriyay dadaalka ay muujiyeen dhowrkan bilood.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmay xili habeen hore Ciidamada Boolisku ay Xareeyeen dhamaan mootooyinka Bajaajta loo yaqaan oo aan shaqeyneen maalintii labaad, waxaa lala xiriirinayaa fal dhac iyo dhaawac isugu jira oo loo geystay qof shacab ah.