Muwaadin Soomaali ah oo Maanta Coronavirus ugu geeriyooday London

Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa Maanta waxaa Cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Odayaashii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Dr Cabdulqaadir Cali Boolaay, isagoo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 40 kun oo qof.

Geerida Dr Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana Marxuumka uu kamid ahaa dadka farakutiriska ah ee ka noo Odayaashii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL.

Dalka Ingiriiska ayaa Cudurka Coronavirus waxaa ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu kamid yahay Ra’iiusl Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo maalmo kahor geeriyooday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media