Hirshabeelle oo gudbisay qorshe wax looga qaban karo fatahaada Webiga

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cismaan Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirada dalalka          Qatar, Turkiga iyo Talyaaniga.

Wasiirka ayaa Safiirada Qatar Hasan Bin Hamza iyo Turkiga Mehmet Yılmaz, kala hadlay dardargalinta howlaha Biyo xireenka webiga shabelle ee degaanada Hirshabeelle iyo Arrimaha qorsheynta horumarinta Maamulkaas.

Wasiir Cismaan Maxamed Nuur ayaa Safiirada uga warbixiyay qorshayaasha uu Maamulka hiigsanayo dhammaadka sanadkaan 2020/2021, wuxuuna sheegay in Hirshabelle ay diyaarineyso qorsheyaal horumarineed.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta ayaa u soo bandhigay qorshaha ay wasaarada ka dayaarisay qaabka ugu wanagaasan ee wax looga qaban karo fatahaahada, iyadoo ay wasaaraada qorshaas u gudbisay Safiirada.

Ugu dambeyn Wasiir Cismaan Maxamed ayaa waxaa uu Safiirada kala hadlay wax ka qabshada fatahaahada webiga Shabelle deegaanada Hirshabeelle oo xiligaan meelo badan webiga uu ku fatahay, isagoo dalbaday in gargaar la gaarsiiyo dadka fatahaahada ku barkacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media