Xarakadda Al-shabaab waxay Isniintii la soo dhaafay soo bandhigeen Muuqaal Video oo muujinaya Askari u dhashay Uganda iyo Kenya, kaasi oo ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku qabteen weerarkii ay sannadkii hore ku qaadeen Saldhigyo ay AMISOM ku lahaayeen Degaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose .
Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankuna ayaa sheegay inay qaadayaan Falka ku habboon ee horseedi kara in la sii daayo Askarigii ay Alshabaab ku qabteen Dagaalkii bishii September 1-deedii ee sannadkii hore ka dhacay Saldhigii Askarta Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Jannaale.
Isagoo khadka Telefoonka kula hadlayey Wakaalladda Wararka XINHUA ayuu sheegay in Taliska Sare ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ka walaacsan yihiin Nolosha Askariga ay Xarakadda Al-shabaab soo bandhigeen, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Masasa.
“Waxaan weli darsaynaa Muuqaalkaasi, waana ka walaacsanahay Noloshiisa. Waxaan samaynaynaa tallaabo kasta oo lagu soo badbaadin karo” ayuu yiri Paddy Ankunda oo intaasi ku daray inay Al-shabaab mas’uuliyad ka saaran tahay nolosha Askarigaas, waa sida uu hadalka u yiri.
Muuqaalka Video-ga ee uu ka soo muuqday Askariga Ugandeseka waxa uu Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka ee Uganda ka codsaday inay Wada-xaajood la galaan Alshabaab sidii isaga loo soo dayn lahaa.
Askariga waxa uu tilmaamay inuu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana aan la dhibaataynin.
©Radio Dalsan