Duqa Muqdisho oo Warbixin laga siiyey howlaha Gurmadka ah ee ka socda Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markale tagay goobtii ay shalay qaraxyada Is-miidaaminta ahaa ka dhaceen ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Goobta ayaa waxaa shaqo ka waday howlwadeeno ka tirsan Dowladda Hoose Ee Xamar iyo Bulshada Gobolka Banaadir oo iskaashanaya si loo sii baadi goobo dad weli la la’yahay iyo sidii halkaasi nadaafad guud loogu sameen lahaa.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiyaha u kuurgalay baaxada dhibaatada halkaasi ka dhacday adigoona warbixin goobta kaga dhageystay Guddiga Gurmadka Deg Dega ee Gobolka Banadir oo ay hogaaminayaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed (Jakeeti).

Guddigaan oo uu saakay  magacaabay Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa kormeero kala gedisan kusoo sameeyay dhamaan goobaha Caafimaadka ee la geeyay dhaawacyada, sidoo kale waxa ay Guddiga u kuurgaleen gurmadka ay fidinayaan shacabka Muqdisho ee iyagu dhiiga ugu deeqaya dadka dhaawaca ah iyo kuwa isxil-qaamay ee Askarta iyo qeybaha kale ee Bulshada soo gaarsiinaya cunooyinka iyo cabitaanada.

Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ugu baaqay Shacabka Muqdisho in ay ka qeyb qaataan gurmadka iskuna gar-gaaraan.

Dhinaca kale wuxuu faray goobaha Caafimaadka in aan wax lacag ah laga qaadi karin dhaawacyada iyo dadka deeqda dhiiga bixinaya,  isagoo uu ugu Mahadceliyay Bulshada qeybahooda kala gedisan dadaalka ay ku bixinayaan in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor