Hay’adda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa la sheegay inay isbuucii hore shaqada ka cayriyeen 250- Shaqaale Deegaanka ah
DP World oo Maamulka Somaliland la saxiixatay Qandaars 20-sanno ah ee Maamulka Dekedda Berbera ayaa la sheegay inay doonayso inay isbedel ku samayso Shaqaalaha ka hawlgala Dekeddaasi.
Maamulka Shirkadda DP World waxay shaqaalaha Deegaanka u sheegay inaan loo sii baahnaan doonin shaqadooda, iyadoo ay Dekedda Berbera ka hawl-geli jireen in ka badan 950-shaqaale Muruq-maal ah
Qoraal uu Maamulka cusub shaqada ka joojiyey Shaqaalaha ayaa lagu sheegay inay suurto-gal tahay in Xoogsato kale shaqada laga joojiyo, waxayna u badan tahay inay Shirkaddu hawlgeliso Ajaaniib horey uga hawl-geli jirey Dekedaha ay DP World maamusho.
Shaqaalaha la cayriyey ayaa dhigay Dibadbaxyo Cabasho ah, balse Maamulka Somaliland kama hadlin arrintaasi.
Shirkadda DP World waxay ku maalgelinaysaa Dekedda Berbera lacag dhan 442 million oo Dollar.
©Radio Dalsan