Itoobiya oo ka hadashay Sawirka Khariirada Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia waxay sheegtay in si “khaldan oo aan la aqbali karin boggeeda loogu daabacay sawirka khariiradda Afrika” oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray.

Waxay sheegtay Itoobiya inay markiiba ka saareen sawirkaas,isla markaana Kooxda farsamada IT-ga ayaa baareysa ayey sii raacisay warka ka kasoo baxay Wasaaradda.

“Waxaanu ka shaleyneynaa Jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay.

Comments
Loading...