Dowladda Waqooyiga Kuurya oo lagu eedeeyey Dilkii Kim Jong Nam.

Wakaalladda Sirdoonka ee dalka Koonfurta Kuurya ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin kooban oo ay siiyeen Xiuldhibaanadda dalkaasi, waxayna  tilmaameen inay dilkaasi soo abaabuleen Wasaaradaha Ammaanka Qaranka iyo Arrimaha Dibedda ee dalka Waqooyiga Kuurya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay ddilkaasi fuliyeen 8 qof oo u dhalatay dalka Waqooyiga Kuurya, kuwaasi oo 4 ka mid ah ka tirsan yihiin Wasaaradda Amniga Qarnka, halka 2 kalena ka tirsan yihiin Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi.

Kim Jong Nam oo ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un, ayaa waxaa bishan 13-dii lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur, waxaana dilkaasi loo adeegsaday Kiimiko khatar ah.

Image result for who killed kim jong namImage result for who killed kim jong nam

Image result for who killed kim jong namImage result for who killed kim jong nam

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media