Shirkadda Taksiyadda Yellow Cab ee dalka Maraykanka ayaa mar kale kordhiyey Abaalmarinta Lacageed ee la siinayo dadkii keena xog lagu soo qaban karo Eedeysanayaasha ka dambeeyey Toogasho loo geystay Dareewal Somali ah oo lagu magacaabo Abdirahman Mohamed.
Shirkadda Taksiyadda ee Yellow Cab, waxay sheegtay inay Abaalmarin Lacageed oo dhan 12,000 oo Dollar siinayso qof kasta oo keena warar fudueynaya in la soo qabto kooxihii falkaasi geystay.
.Dareewaalkaasi ayaa ka soo kabanay dhaawacyadda ka soo gaaray Toopgashadaasi oo dhacday labo isbuuc ka hor.
Boliska Gobalka Louisville ayaa sheegay inay weli ku guda-jiraan Baadigoobka Dembiilayaasha geystay Toogashadaasi.
Abdirahman Mohamed oo ah Xaasle 4 carruur ah ayaa la toogtay, xilli uu ku guda-jiray Hawshiisa Taksiilenimo.
©Radio Dalsan