Boliska Kanada oo jir-dilay, kadibna Isbitaalka dhigay Nin Somali oo xanuunsanaa.

Boliska Gobalka Ontario ee dalka Kanada ayaa  baaritaan ku haya Nin Somali Canadian madaxa loogu jiray, kaasi oo ay Boliska shalay soo xireen.

Afhayeenka Waaxda Baaritaanadda Khaaska ee Boliska dalkaasi, Jason Gennaro ayaa soo saaray War Saxaafadeed uu kaga hadlay xariga Ninka Soomaaliga ee dhimirka la’, kaasi oo ay Boliska soo qabteen,isagoo dad kale kula sugnaa dhismo ku yaalla magaalladda Ottawa.

Ninka Soomaaliga oo lagu magacaabo Abdirahman Abdi ayey Boliska si khasab ah ku soo xireen, ka hor intaysan u gudbinin Isbitaalka Ottawa, iyadoo ay xaalladiisa liidato.

Abdirizak Abdi oo la dhashay Dhibanaha ayaa u sheegay Telefishinka CBC News ayaa sheegay inuu dabaqa 8-aad ka maqlayey catowga Walaalkiisa,markii ay Boliska u xirayeen Garbaduubka.

Qoyska Dhibanaha ayaa u qaatay inuu ahaa qof geeriyooday, markii ay Boliska qabanayeen Walaalkiisa oo 37 jir ah.

Boliska Kanada wax faahfaahin ah kama bxiinin Xariga Ay u geysteen Ninka Soomaaliga ee dhimirka ka xanuunsanaa

Dhinaca kale, Boliska magaalladda Ottawa wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.waxayna sheegeen in Unugga SIU gacanta ku hayaan Baaritaankaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media