Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ka shanqariyey in dib loo dhigay Doorashooyinka Madaxweynenimadda iyo kuwa Barlamaanka cusub ee Somalia ee la filayey inay dhacaan bilaha August iyo September ee sannadkan.
Radio Dalsan ayaa noqotay Isha Warbaahineed ee ugu horreysay ee soo xooraansatay, islamarkaana baahisay Qorshaha Cusub ee Jadwalka Doorashooyinka ee wax looga bedelay Xilligii horey loo iclaamiyey Qabsoomida Doorashooyinkaasi.
Waa Hubaal inay Muwaadiniinta Soomaalida, gaar ahaan Siyaasiyiinta Musharixiinta ah ka biyo diidsan yihiin Jadwalka Cusub ee Doorashooyinka, waxayna u arkaan Xeellad kale oo ay Dowladda Federalka ku seeto dheeraysanayaan Xilli-hawleedka Qaranka ee ka dhici doono bilowga bisha September ee sannadkan.
Siyaasiyiinta naqdisa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana bilaabay inay Fasiraado kala duwan ka bixiyaan Qorshaha Jadwalka Cusub, waxayna rumeysan yihiin inaysan Dowladda ka daacad ah Qabsoomida Doorashooyinka ee xilligii loogu talagalay.
Musharixiinta ku talamaya inay isku soo taagaan Doorashadda Madaxweynaha ayaa iyagana u arka Dib’-u-dhiga Doorashadda mid lagu moraal jebinayo Musharixiinta Kharajka badan ku bixinayo Ololahooda Doorashada Madaxtinimaadda.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay dhowr bilood qaadan karto sidii lagu dhamaystiri lahaa Hawlaha loogu diyaar garoobayo Taaba-gelinta Doorashooyinka soo socda.
Dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaana loo arkaa Caqabadda ugu weyn ee Isbaaro Siyaasadeed ku noqon karta Qabsoomida Doorashooyinka , waxayna Dowladda Federalka dhowr jeer ku hungowday Dhismaha Maamulkaasi.
Sababaha kale ee loo aanaynayo Dib-u-dhaca ku yimid Jadwalka Doorashooyinka ayaa lagu tilmaami karaa Khilaaf dhinaca Aragtida ee u dhexeeya Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda, iyadoo la dareemayo inuu liito Is-fahamkooda, kana dhex curtay Loolan Siyaasadeed oo ku aadan Doorashooyinka iyo Dowladda cusub ee soo socota.
Hoggaamiyayaasha Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ayaa la filayaa inay dabayaaqadda bishan Kulan ku yeeshaan magaalladda Muqdisho, si ay u odorasaan Dib-u-dhaca Xilliga Doorashadda iyo Jadwalka cusub ee Doorashadda.
Inkastoo aan si rasmi ahaan loo shaacinin Jadwalka cusub, haddana Ilo Xogogaal ayaa Radio Dalsan u sheegay Isbedel ku yimid Xilligii loo qoondeeyey inay ku dhacaan Doorashooyinkasi.
Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inay Doorashooyinka u dhici doonaan sidatan:
- Bisha October ee soo socota waxaa la qaban doonaa Doorashada Xildhibaanadda cusub ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Somalia.
- Bisha November waxaa la dooran doonaa xubnaha Aqalka Sare ee Senedka ee Barlamaanka Cusub.
- Bisha December 12-da waxaa la dooran doonaa Doorashadda Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federalka Somalia.
©Radio Dalsan