Dowladda Uganda waxay Xildhibaanadda dalkaasi gacanta ka saartay 30 million oo Dollar, si ay ugu iibsadaan Gaadiidka Raaxadda, xilli uu dalkaasi la daalla-dhacayo xanuunka COVID 19.
Xildhibaan kasta waxa qoondo ahaan loo siiyey lacag dhn 200 oo million oo Shillinka Uganda oo u dhiganta 56,500 Dollar, si ay u helaan gaadiid cusub.
Xildhibaan kasta oo ka tirsan Barlamaanka Uganda waxa uu mushaar ahaan bishii u qaataa 8,000 oo Dollar, halka Xoogsatada ay bishiiba helaan celcelis ahaan 20 Dollar, iyadoo Macallinkuna uu qaato 75 Dollar bishiiba.
Waddanka Uganda oo ay ku nool yihiin 45 million oo qof ayaa la sheegay in Hal million qof oo keliya laga tallaalay COVID 19, iyadoo la diiwaan geliyey 91,710 oo Kiisaska COVID 19, halka ay 2,496 kalena ay u geeriyoodeen Coronavirus.