Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadn Cadde ee Muqdisho,iyagoo kusii jeeda Dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu Casuumad rasmi ah ka helaya Boqortooyada Sacuudiga,isagoo kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda Sucuudiga.
Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga in uu kula kulmo Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis,iyagoo kala wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.