Dhageyso:-Soomaaliland oo u digtay Siyaasiyiintooda soo aada Muqdisho

Maamulka Soomaaliland ayaa digniin adag u diray Siyaasiyiinta xilalka kala duwan ka qabta maamulkooda,balse hadana soo aada Muqdisho ee xilalka ka qabta.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu uga digayo Siyaasiyiinta u dhashay Soomaaliland ee xilalka u doonanaya Magaalada Muqdisho.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in kuwaas ay yihiin kuwo mansabkoodii dhaqaalo ku iibsaday sida uu hadalka u dhigay.

Dhowr mar ayaa sidaan oo kale masuuliyiin Maamulka Soomaaliland ay digniin ugu direen Siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee Bulshada ee soo aadaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media