Boliiska Canada oo gacanta ku dhigay 3 qof oo ay ka shakiyeen

Wakaalada wararka AFP ayaa wax ka qortay sheeko ku aadan in maanta ciidamada boliiska Magaaldda OTTAWA, ay gacanta ku dhigeen labo nin iyo hal gabar kuwaasoo ay ku eedeyeen in ay damacsanayeen in ay weeraro ay ka geystaan Suuqyada waaweyn ee ku yaala dalka Canada.

Seddexdan ruux ayaa waxaa boliiska ay shegeen in ay ka qabteen Magalada degadda leh ee Halifax.

Madaxa boliiska Magaalada Halifax Constable Pierre Bourdages, ayaa sheegay in ragaasi ay ka qabteen duleedka Magalada Halifax, waxaana ay sheegeen in xiligaan suq ku yaala ay irdaha iskugu laabeen, seddexda ruuxna ay hada ku wadan baaritaano, laakiin uu shegay in aysan wali ku cadeyn khatarta ay ku eedeyeen.

Arintaan ayaa waxaa ay imaaneysaa kadib markii bishii aan kasoo gudubnay ay xarakada Al Shabab ee soomaaliya ay ugu hanjabtay in ay weerari doonto suuqyada ku yaala wadamada Canada, Mareekanka iyo Britain.

Sidoo kale bishii aan kasoo gudubnay ayaa Magalada Halifax ee dalka Canada, waxaa ay ciidanka ay ka qabteen Gabar iyo nin udhashay dalka Canada, kuwaasoo lagu eedeyay in ay damacsanaayeen weeraro ka dhaca isla suuqa hada laga qabtay seddexda ruux.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor