Ciidamada Badda Talyaaniga oo bad baadiyay 941 Muhaajiriin ah

Warbixin lagu qoray wargeyska the Guardian, ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in 10 ruux ay geeryoodeen halka 941 ruuxna ay ciidanka badda dowlada Talyaniga ay kasoo badbaadiyeen koonfurta badda Mediterranean-ka.

Sidoo kale warbixinta ayaa muujineysa in dadkaasi ay doonayeen in ay galaan wadanka Talyaaniga,iyagoona ciidanka badda talyaaniga uqeyla dhaamiyay iyagoo ku sugan meel biyaha dalka Libiya koofur kaga aadan 50 Miles.

Howgallada ciidanka badda Talyaanig, ayaa sidoo kale qeexaya in dhoor jeer oo is xig-xiga ay ciidanka badbaadintaasi sameyeen tan iyo maalintii shalay.

24 kii saac ee lasoo dhafay ayaa waxaa tirada dadka lasoo badbaadiyay lagu sheegay 941 ruux, waxaa ku jiray 30 carruur ah iyo 50 dumar ah.

Bishii aan kasoo gudubnay ayaa waxaa ciidanka badda Talyaaniga iyo kuwa Midowga yurub ay sheegeen in ay geeryoodeen 300 oo muhaajiriin ah kuwaas oo kasoo baxay wadamada Africa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor