Beesha Caalamka oo soo dhaweeysay Natiijadii ka soo baxday Wada-tashigii DFS iyo Maamul-gobaleedyadda.

Saxiibadda Caalamka ee Somalia ayaa soo dhaweeyey Go’aanadii ay qaateen DFS iyo Maamul-gobaleedyadda oo Kulankii Wad-Tashiga ee ay ku yeeshay magaalladda Muqdisho.

War-murtiyeed ay soo saareen QM, Hawlgalka AMISOM, IGAD, EU, Talyaaniga, Sweden, Turkiga, Ethiopia, UK iyo Maraykanka waxay si wadajir ah ku taageereen Natiijadda ka soo baxay Wada-xaajoodkii Wada-tashiga ee DFS iyo Maamul-gobaleedyadda.

Saaxiibadda Beesha Caalamka waxay ku bogaadiyeen Hoggaamiyayaasha DFS iyo kuwa Maamul-gobaledyadda horumarka Siyasadeed ee ay gaareen. Gaar ahaan Arrimaha Ammaanka Qaranka, Abaaraha iyo La-dagalanka musuq-maasaqa.

Ergayga Khaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inuu Heshiiskaasi muujinayo Guul weyn oo Taariikhi ah oo ay dadka Soomaaliyeed gaareen.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media