Daacish iyo Alqaacida oo la hadal-hayo inay midoobi doonaan

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Iraq, Ayaad Calaawi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Warbaahinta dalkaasi, wuxuuna xusay inay Daacish wada-xaajood la bilaabeen Al-qaacida, oo ay suurto-gal tahay inay yeeshaan Isbahaysi.

Waxa uu tilmaamay inuu warkaasi ka helay xiriiro lala sameeyey dad aqoon u leh Arrimaha Iraq.

“Wada-xaajoodka haatan ayuu bilowday, waxaana jira La-tashiyo iyo wada-xaajood u dhexeeya Wakiilo matala Hoggaamiyaha Al-qaadcida, Ayman Al-zawaahiri iyo dhigiisa Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi.

Daacish waxay ka soo faruurmeen Al-qaacida sannadkii 2014-kii, iyadoo Ayman Al-zawaahiri si toos ah u naqdiyey Falalka Daacish ee ay dadka ku dilaan, sida qoor-goynta, dadka oo biyaha lagu hafiyo ilaa ay ka dhintaan iyo  dadka lagu dhex gubo Xayndaab Shabaq ah.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxweynha Iraq, Ayaad Calaawi waxa uu carrabka ku dhuftay inuusan ogeyn qaabka ay Daacish iyo Al-qaacida si wadjir ah ugu wada shaqeyn karaan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media