Baarlamaan ansixiyay sharci lagu ciqaabayo dadka Jebiya Bandowga

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Raashiya ee loo yaqaano DUUMA waxay ansixiyeen in dadka ku xadgudba Bandowga looga hortagayo Faafista Caabuqa COVID 19 inay muteysan doonaan Xabsi ilaa 7 sano ah iyo Ganaax dhan 2 milyan ee Lacagta dalkaasi ee Roubles oo u dhiganta 25,500 oo Dollar.

Xildhibaanadda waxay kaloo u codeeyeen Awoodaha Dowladaha ee ay ku soo rogi karto Xaallad Degdeg ah, haddii loo baahdo, si looga hortago Faafista COVID 19

Saraakiisha Caafimaadka ee dalkaasi waxay sheegeen inay Kiisaska COVID 19 gaareen ilaa 2,337 Kiis, iyadoo ay 17 qof u geeriyootay Caabuqaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media