Haweeney ka tirsaneyd G/Banaadir oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Haweeney ka tirsaneyd Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana haweeneyda ay u geeriyootay rasaas looga dhuftay qeybta sare ee jirkeeda sida ay sheegeen Dad goobjoogayaal ah.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Axmed, iyadoona ka tirsaneyd Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkaas.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo War qoraal soo dhigtay barteeda Facebook ayaa waxaa ay ku xaqiijisay geerida Marxuumad Maryan Maxamuud Axmed oo Caawa lagu toogtay Yaaqshiid.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhalinyaro oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana dilalkaas inta badan sheegta Al-shabaab.

Comments
Loading...