Wararka aan ka heleyno degmada Buq’aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay degmadaasi xukun dil toogasho ah ka fuliyeen.
Goob fagaaro ah oo ku taalla Buq’aqable ayaa waxaa lagu toogtay Guhaad Cilmi Cali oo ay ku eedeeyeen in uu sibareer ah u dilay Barre Ibraahim Axmed,waxaana Goobta ku sugnaa inta badan dadka ku nool degmada Buq’aqable.
Shaqsiga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxaa Gacantiisa ku toogtay Aabaha dhalay Marxuumkii horay loo dilay sida uu goobta ka sheegay Gudoomiyaha Maxakamada Al-Shabaab ugu Magacaaban Gobolka Hiiraan.
Al-Shabaab ayaa dhowr Mar sidaan oo kale waxa ay fal dil toogasho ah ka fuliyeen degmooyin farabadan oo ka tirsan dalka Soomaaliya iyaga oo dadka ay tooganayeen ay u badnaayeen dad ay ku eedeeyeen basaasnimo ama in uu xiriir la leeyahay dowladda Soomaaliya.