(SAWIRRO): Dad ku geeriyooday Dibadbaxyo rabshadeysan oo ka dhacay Bosaaso.

Magaallo-madaxda Gobalka Bari ee Bosaaso waxaa ka dhacay Dibadbax ballaaran oo la sheegay in looga cabanayey Dhallinyarro ay Boliska xireen iyo Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobalka Bari oo ay Dowlad-gobaleedka Puntland xilalkii ka qaaday.

Dadkii dhigayey Dibadbaxa ayaa waxay taayaro ku shideen Waddooyinka, waxayna xanibeen Gaadiidka, iyadoo la xiray inta badan goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Bosaaso.

Xirriro aan la samaynay Goobjoogayaal ku sugan Bosaaso waxay sheegeen inu ugacan-ka-hadal dhex maray Boliska iyo qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha oo hubeysnaa.

Iska horimaadkaasi waxa lagu dilay ugu yaraan 2 qof ku geeriyooto, iyadoo 5 kalena la dhaawacmay.

Boliska magaalladda Bosaaso ayaa la sheegay inay xireen 15 ka mid ah Dhallinyarro ka qeyb gashay Dibadbaxaasi oo lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca Bosaaso.

Dibadbaxa maanta ayaa la sheegay inuu yimid, kadib, markii mid ka mid ah Beelaha deggan magaalladda Bosaaso ay qoonsadeen Xil-ka-qaadis lagu sameeyey Madax ay isku hayb yihiin iyo inuu Madaxweynaha Puntland wax ka qaban waayey Cabashadooda.

Dhinaca kale, Dowlad-gobaleedka Puntland weli kama hadlin Shaqaaqadaasi.

Xaalladda ayaa haatan deggan, inkastoo weli la dareemayo diifta ka dhalatay Dibadbaxaasi Rashadaysnaa.

bosaaso01 bosaaso3 bosaaso77

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor