Madaxweynhii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita, kaasi la afgambiyay bishii August ayaa waddanka ka tagay.
Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in Keita uu sababo caafimaad ugu duulay Isutagga Imaaraadka Carabta kaddib markii toddobaadkan gudihii dareemay xanuunka faaligga ama istaroogga.
Keita oo 75 sanno jir ah ayaa Talaadadii la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Bamako, lix maalmood kaddib markii ay xoriyaddiisa dib u siiyeen hogaamiyaasha miltariga ee xilka kala wareegay 18-kii Ogosto. Madixiisii hore ee shaqaalaha ayaa sheegay in Ibrahim Boubacar uu dalka ka maqnaan karo muddo ku siman 15 maalmood.
Mar sii horreeysay hogaamiyaasha miltariga ee la wareegay talada dalkaasi Maali ayaa magaalada Bamako ka bilaabay wadahadallo u dhaxeeya iyaga, mucaaradka iyo urururada bulshada.
Waxaa militariga talada la wareegay hogaaminayay Col Malick Diaw – oo ah ku xigeenka madaxa salhigga Kati – iyo abaanduule kale oo lagu magacaabo , Gen Sadio Camara, sida uu sheegay wariyaha BBC Abdoul Ba oo ku sugan magaaladda Bamako.