Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay C/raxmaan Cirro inuu murugada la qeybsanayo Ehelada dadkii shalay waxyeelada kasoo gaaray Qaraxii Ismiidaaminta ahaa, isagoo tacsi u diray dadkii halkaas ku geeriyooday oo ay ku jireen Arday Jaamacadeed.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa waxaa uu Alle kuw dhaawacmay uga baryay inuu Caafimaad Deg-deg ah siiyo, wuuxna shacabka ugu baaqay in aysan niyad jebin.
War qoraal ah oo boggiisa Facebook uu kusoo qoray Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland ayuu uga hadlay Qaraxa, wuxuuna u qornaa sidan:
Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.
Waxaa kaloo intaas hadalkiisa uu sii raaciyay “Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!”
Si kastaba Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa waxaa ku dhintay 79 Ruux, halka 149 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo u badan dad shacab ah.