Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa faray dhammaan Bahwadaaga Wasaaradda inay u diyaar garoobaan hirgelinta Manhajka Qaranka ee Fasalada 1-aad ilaa 8-aad oo ah Manjahka cusub ee Soomaaliga ah.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Goodax Barre waxaa lagu wargeliyay Dugsiyada sare iyo Dalladaha Waxbarashada ee dalka ka jira inay u diyaar garoobaan hirgelinta Manhajka Qaranka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in laga Bisha Agoosto ee sanadkan 2019,waxajib ay tahay in Manhajka Qaranka laga hirgeliyo Dugsiyada dalka oo Idil.
Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.