Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda dowlad Goboleedka Hirshabeelle,iyadoo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hishabeelle ayaa markii ay gaareen Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo xubno kale.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay kulan la qaateen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble,kadib markii ay ku booqdeen Guriga uu ka degan yahay Baladweyne,isla markaana waxaa ay ka wada hadleen arrimo ku aadan Khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan iyo tan Magaalada.
Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ujeedka wafdiga ka socday dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee isugu jira Xildhibaanada iyo Wasriirada Baladweyne u tageen ay tahay xalinta Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed.