Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay sidii wadida dib u eegista Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan 2020 oo horey Xildhibaanada ay u ansixiyeen, iyagoona todobaadkii lasoo dhaafay dood ka yeeshay.
Sidoo kale Ajendayaasha kulanka ayaa waxaa ku jiro ka doodis iyo u Codeyn wax ka Badalka sharci Num 75 Qodobkiisa 10-aad ee Muda xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana laga doonanayo in Mudanayaasha Baarlamaanka ay kasoo qeyb galaan, si looga dooda Ajendayaasha horyaalla.