Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah dib loogu furo Duulimaadyadii caalamiga ahaa Dalka imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii loo xiray sababo la xiriira Cudurka COVID-19.
Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Khamiistii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu shaaciyay in Maanta dib loo furayo Duullimaadyada heerka Caalamiga ahaa.
Qaban-qaabada Munaasanadda lagu daah-furayo Duulimaadyadii caalamiga ah ayaa haatan ka socoto Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana kasoo qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.
Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda ayaa shuruud ku xirtay dadka Dalka imaanaya, waxaana ay sheegtay in qofkasta looga baahan yahay inuu heysto shadaado caddeyneysa in uusan qabin Cudurka halista ah ee COVID-19.
Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID19 oo hoos u dhacay, waxaana Golaha Wasiirada ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay ka taxadaraan Cudurka halista ah ee COVID-19.