Aabe C/waxiid Warsame oo haysta dhalashaadda dalka Holland, balse ku nool dalka Britain ayaa shaaciyey inuu ku hawlan yihiin sidii uu Dowladda Holland uga heli lahaa Dukumentiga Socdaalka ee “The Travel Documents”.
Isagoo la hadlayey Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa UK ayaa tilmaamay inay Maamulayaasha dalka Holland uga baahan yihiin isagha inuu marka ugu horreyso u diro Nuqul ka mid ah Caddaynta dhimashadda Wiilkiisa Yuusuf C/waxiid Warsame, kaasi oo Waaberigii hore ee maalintii Isniintii la soo dhaafay ku geeriyooday qarax ka dhacay Deegaanka Biskopsgarden oo ka tirsan magaalladda labaad ee ugu weyn dalka Sweden ee Gothenburg.
Aabahaasi oo 7 carruur leh ayaa sheegay marka uu Maamulayaasha Socdaalka ee dalka Holland u diro Nuqulka caddaynta Geerida Wiilkiisa kadib inay isaga u soo saari doonaan Dukumentiyadda Socdaalka (Travel Documents), si ay ugu fududaato inuu u socdaalo Sweden.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Xaaskiisa naxdin ka qaaday geerida Wiilkooda oo ku naf baxay iyadoo korka ku haysa,m kadib, markii uu ku dhaawacmay qaraxa lagu soo tuuray qolkii ay jifeen.
Boliska magaalladda Gothenburg waxay sheegeen falka lagu dilay Wiilka Soomaaliga inuu qeyb ka ahaa Weerar u dhexeeyo Dembiilayaasha Soomaali ah oo ku nool magaalladaasi.
Bishii March ee sannadkii hore, iska horimaad Kooxo Soomaali ah ku dhex maray Deegaanka Biskopsgarden ee duleedka Gothenburg ee dalka Sweden waxaa lagu dilay Nin, kaasi oo ay Boliska sheegeen inuu ahaa Nin marayey waddada dhinaceeda oo ay xabad wiifto ah ku dhacday.
Falkaasi waxaa loo xiray 8 ka mid ah Kooxihii Soomaalida ee dagaalamaysay, kuwaasi oo lagu kala xukumay xabsi u dhexeeya 7 sanno ilaa Xabsi Daa’in.
Dhinaca kale, Yuusuf C/waxiid Warsame oo 8 jir ahaa waxa uu ku dhashay magaalladda Brimingham ee dalka UK, wuxuuna Arday ka ahaa Dugsiga Hoose ee Nelson Mandela Primary School oo ku yaalla Xaafadda Sparkhill ee Galbeedka Midlands.
Labadiisa Waalid waxay haystaan Baasaboorka dalka Holland, waxayna sannadkii 2001-dii u soo guureen dalka UK, waxayna magaalladda Brimingham ka furteen Mehrad Ganacsi oo lagu iibiyo Hilibka Xalaasha, laguna magacaabo “The Tawfiq Halal Meat and Grocery Shop.
©Radio Dalsan